- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kormeer Booqasho ah uu ku tagay Xerooyinka General Daaud iyo Xerada tababarka Gen dhaga Badan ee Duleedka Magaalada Muqdisho
Sareeyo Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Xerooyinka Ciidanka Xoogga Dalka Halkaasi ay ka Socdeen Howlo shaqo oo Muhiim ah
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa Xerada General Dhaga Badan kula Hadlay Ciidamo cusub oo tababar kusoo qaatay dalka dibadiisa isagoona Ciidanka ku boorriyay inay ka feejignaadaan dhagarta cadwoga, wuxuuna ku boorriyay inay gacan adag kula dagaallamaan kooxda nabad-diidka ah,
General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow wuxuuna sheegay inay waajib ku tahay difaaca shacabka iyo dowladnimada.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Faray Ciidanka in ay u diyaar garoobaan Goor dhaw Xureynta Dalka looga saarayo Maleyshiyada Nabadiidka ah
S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa si dar dar leh ku wada sidii dalka looga saari lahaa Maleyshiyada Nabadiidka ah