Home Afsomali Goob ay shir ku lahaayeen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo cirka laga...

Goob ay shir ku lahaayeen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo cirka laga duqeeyey

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Mareykanka ayaa duqeyn ka fuliyay deegaanka Qoob Yaxaas ee Gobolka Hiiraan halkaasoo ay joogeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Hawlgalkan waxaa lagu beegsaday Xarun weyn ay al-shabaab ku laheyd deegaankaas, xili uu halkaas shir uga socday saraakiil ka tirsan al-shabaab sida warbaahinta DF sheegtay.

“Waxaa halkaas weerar ku qaaday Ciidanka Xoogga Dalka, Waxaana kasoo gaaray khawaarijta dhaawac iyo dhimasho fara badan” ayaa lagu yiri war laga sii daayey warbaahinta DF.

Ciidanka Xoogga iyo saaxiibadooda ayaa sheegay inay burburiyaan goobtaas isla markaana halkaas lagu laayey xubnihii ku shirayay.

“Waxaa sidoo kale la gubay labo gaari oo ay wateen horjoogayaashii Khawaarijta ee halkaas ku shirayay” ayaa lagu yiri warka laga sii daayey warbaahinta dowlada.

Ugu yaraan 30 qof ayaa la sheegay iney ku dhinteen duqeyntan halka uu dhaawacana marayo 50 kale waxaana ku jira dadka dhintay madax ka tirsaneyd al-shabaab sida ay sheegtay warbaahinta dowlada.

https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.