President Uhuru Kenyatta’s speech during his meeting with Somalia President Farmajo
Madaxweynaha kenya ayaa sheegay in xuduudaha ay u furan yihin dadka isaa gudba xaduud beenaadyada u dhaxeeya labada dal wuxuuna xusay in duulimaadyo toos ah laba asbuuc ay ka bilaabaneyso kuwaas oo ah Muqdisho Nairobi oo aan wajeer ma danbe lagu dajineynin si baaritaano loogu sameeyo rakaabka diyaarada..
waxaa kale oo xusid mudan in duulimaadyadu Noqnyaan Muqdisho to nairobi ayaa duulimaadyada caalamiga ah wajeer waa ladiiday ,Hargeysa Garoowe Bosaso markey kenya aadayaan waxay soomarayaan diyaaradahooda Aadan cade airport si loo jeekimo dhanka amniga.
Qodobad dheer kaddib waxaa la isku afgartay qodobbadan:
1. In 2 toddobaad gudohood lagu soo afjaro hakadkii amni (security transit) ee Wajeer ay kusoo mari jireen duullimaadyada ka yimaadda Soomaaliya, halkaas oo ay silic iyo saxariir badan kala kulmi jireen shacabka. Hadda kaddib, duullimaadyada ka yimaadda Muqdisho waxay toos ugu dagi donaan Nairobi.
2. In muddo bil gudaheed ah laba bar ama marin soohdimeed laga sameeyo Beled-Xaawo/Mandheera iyo Dhoobleey/Libooy, halkaasna ay isaga gooshaan dadka iyo dunyada. Waxaana halkaas ku baxaya darbigii la sheegi jiray, waxaana si xowli ah isugu furmaya ganacsiga.
3. In laga billaabo maanta dadka haysta baasaboorrada diblomaasiga ah iyo kuwa adeegga (service) ay dal-ku-galkooda (visa) ka qaadan doonaan gegiyada dayuurdaha labada dal.
4. In arrimaha qaxootiga looga shaqeeyo hannaankii saddex geesoodka ahaa ee ay hore ugu heshiiyeen Kenya iyo Soomaaliya iyo Hey’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.
5. In Kenya ay 200 oo macallin, 200 oo kalkaaliso caafimaad iyo 100 maamulayaal sare oo dowladeed ay si bilaash ah ugu tababareyso Soomaaliya.
6. In dib loo soo nooleeyo Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga (JCC) halkaasna ay labada dowladood uga shaqeeyaan dhammaan howlaha ka dhaxeeya.
“Iskaashiga labadeenna dal waxa uu lagama maarmaan u yahay in aan ka guul gaarno caqabadaha na haysta oo ay ka mid tahay la dagaalanka argagixisada iyo saboolnimada. Booqashadan waxa ay qeyb ka tahay sii joogtaynta iskaashi dhow oo labadeenna dal ay ka yeeshaan dhinacyada amniga, maalgashiga iyo ganacsiga. Iskaashi dhow oo dhaqaale oo dhex mara Soomaaliya iyo Kenya ma wanaajinayo oo kaliya nolosha malaayiinta dadkeenna ah, ee sidoo kale waxa uu wax ka tarayaa xaaladda ammaanka ee Bariga Afrika.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Qodobbada lagu heshiiyay ee kale waxaa kamid ah in dib loo howlgeliyo marrinada la isaga gudbo ee labada dal si ay u fududaato isu-socodka dadka iyo badeecadaha isaga gudbaya labada dal
Bulshada Soomaaliyeed ee ku Nool Gobolada waqooyi ee dalka ayaa sii mari doona xiliyada ay aadayaan kenya gafroonka diyaaradah aee adan cade international airport
Waxaa magaalada Nairobi ka furmay kulamo udhaxeeya dalalka Kenya iyo Somalia kuwaas oo diirada lagu saarayo iskaashiga labada dal arimaha amniga,ganacsiga,maalgashiga,duulista hawada,waxbarashada,beeraha,qaybsiga khayraadka,horuminta xanaanada xoolaha,kaluumeysiga,dalxiiska,socdaalka iyo shaqada iyo shaqaalaha.Kulumadan ayaa furmay kadib markii madaxweyne Farmaajo si heer qaran ah loogu maamuusay madaxtooyada Kenya
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa soo dhoweeyay Madaxweyne Farmaajo, isagoo xusay in Soomaaliya ay tahay dal saaxib dhow la ah Soomaaliya, isla markaana ay wadaagaan danooyin badan.
Waxaa uu sheegay inay ka wada hadleen isku raaceen sidii labada dhinac uga wada shaqeyn lahaayeen inay isu furaan xuduuda Buulo Xaawo iyo Dhoobley, si ay shacabka labada dal isu kala gooshaan.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay si dhow ay labada dal uga wada shaqeynayaan arrimaha ammaanka, isla markaana ay bilaabi doonaa duulimaadyo toos ah,
Waxaa uu sheegay in labo todobaad gudahood ku bilaaban doono duulimaad toos ah Muqdisho iyo Nairobi, taasoo meesha ka saareysa duulimaayadii Soomaaliya ka imaan jiray ee soo mari jiray Wajeer.
Sidoo kale Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dadka heysta baasaboorada Servive iyo Diplomatic ay Viisaha ka qaadanayaan garoomada diyaaradaha Kenya, halka bedelkii horay loogu soo saari jiray, ka hor inta aysan garoomada diyaaradaha Kenya ka degin.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in Kenya ay tahay dal deris la ah Soomaaliya, isla markaana ay ka mid tahay saaxibada ugu weyn ee dalalka deriska ku leedahay.
Waxaa uu sheegay in dowladiisa ay si dhow ula shaqeyneyso dowladda Kenya, isagoo xusay in kenya ay muddo labaatan sanno ay marti gelineysay qaxootiga Soomaaliyeed, waxaa uu tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay inay ka wada shaqeeyaan waxyaabaha caqabada ku ah, sida ammaanka, faqriga iyo la dagaalanka Argagixisada.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay labo dal oo iskaashi ganacsiga iyo dhaqaalaha leeyihiin, isla markaana ay sameyn doonaan sidii ay xoojin lahaayeen arrimaha gaarka ee labada dal ka dhaxeeya.
Waxaa uu soo dhoweeyay dib u bilaabashada duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi, taasoo qeyb ka ahaa heshiis horay dowladdii horay ula saxiixatay dowladda Kenya, iyadoo dadka Soomaaliyeed ee diyaaradaha ka soo raaca Muqdisho ay dhib ku qabaan baaritaanada ay ku maraan magaalada Wajeer. Ugu dambeyn Labada Madaxweyne ayaa sheegay in wada hadaladooda labo geesoodka ahaa uu ku soo dhamaaday si guul ah.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0