Home Afsomali Gudoomiyihii degmada Baraawe oo xilka laga qaaday

Gudoomiyihii degmada Baraawe oo xilka laga qaaday

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxay xilkii ka qaaday guddoomiyihii degmada Baraawe, Liibaan Abuukar Cismaan iyo ku xigeenkiisa labaad, Sahro Abuukar Cali.

War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa lagu sheegay, sababta xilka looga qaaday guddoomiyaha in ay tahay, wada shaqayn la’aanta golaha degaanka Baraawe iyo maamulka degmada Baraawe.

Warqada Xilka ka qaasista ee  ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha Koonfur Galbeed, ayaa kusoo beegmay, kadib markii golaha degaanka Baraawe ay dhawaan mooshin xil ka qaadis kasoo gudbiyeen guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa labaad.

Sidoo kale , wasaaradda arrimaha gudaha ayaa xilka guddoomiyaha degmada Baraawe si kumeel gaarka ah u magacowday Cumar Sheikh Abdi Shafana kaddib markii guddoomiyihii hore ee Degmada Baraawe xilka laga qaaday

Mudooyinkii  dambe waxaa Magaalad aBaraawe ee Caasimada Dawlad Goboleedka Koofur galbeed ka taagnaa khilaaf dhinaca maamulka ah , waxaana guddoomiyaha  xilka laga qaaday lagu eedeeyay inuu isku koobay awoodda  maamulk degmadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.