GUDOOMIYAHA GOBALKA HIIRAAN MUDANE CABDULAAHI AXMED MAALIN OO U WEHLIYO SAFIIRKA SOOMAALIYA U FADHIYO ETHIOPIA AMBASSADOR MUKHTAAR MAXAMED, AYAA WADAJIR U SAGOOTIYEY CUTUB KAMID CIIDAMADA ATMIS EE DOWLADA ETHIOPIA EE KU SUGNAA MAGAALADA BELEDWEYNE EE XARUUNTA GOBALKA HIIRAAN.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane cabdulaahi Axmed Maalin sufuroow ayaa saraakisha Atmis ee Ethopia qeeybna ka ahaa howlagaladda nabad ilaalinta soomaaliya ku amaanay doorka aay ku lahaayen amniga gobalka hiiraan imaashahoodii Ee bilaawgii xureeynta khawaarijta Al-shabaab.
Asigoo uga mahadceliyay shaqooyinkii aay horey uga soo qabteen degaanada gobalka hiiraan ee Hirshabelle.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale soo dhaweeyey Cutubyo cusub oo ATMIS ah oo ku biirayo Ciidamada nabad ilaalinta ee Atmis asigoo uga Mahadceliyay safiirka Ethopia u fadhiyo Soomaaliya dadaaladiisa shaqo iyo doorka amniga iyo isdhexgalka wadamada soomaaliya iyo Ethopia Madaama gobalka hiiraan uu Xaduud dhaw la leeyahay Ethopia, iyo sidii leeysaga kaashan lahaa Nabad-galyada guud,
DHAMAAD