Home Afsomali Golaha Sare ee dhaqanka Khaatumo oo goáam cusub ku dhawaaqay kaddib guushii...

Golaha Sare ee dhaqanka Khaatumo oo goáam cusub ku dhawaaqay kaddib guushii Goojacadde

Ciidamada maamulka Khaatumo ayaa guul weyn ka gaaray dagaal muddo todobo bilood ah ka socday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool iyo duleedkeeda, waxa ayna ciidanka shalay la wareegeen xeradii ugu weyneyd ay joogeen ciidankii Somaliland.

Qoraal kasoo baxay golaha sare ee dhaqanka Khaatumo ayaa lagu shaaciyay in aysan duulaan ku aheyn deegaan iyo dad , waxa ayna xuseyn in ay ka shaqeyn doonaan sugida amniga gudaha ayna wanaajin doonaan xiriirka dariskooda.

Golaha sare ee dhaqanka Khaatumo ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya , hayádaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn in ay gar gaar deg deg ah lasoo gaaraan dadkii ay saameynta xooggan ku yeelatay colaada Laascaanood.

https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.