Home Afsomali Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo Saaxiibkii oo maxbuus ahaa Musuqmaasuq ku sii...

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo Saaxiibkii oo maxbuus ahaa Musuqmaasuq ku sii daayey

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa awoodiisa Madaxweynimo u isticmaaley in uu tirtiro xukun maxkmadeed oo ku dhacay saaxiibkiis, ahaana la taliyisiha asiga oo qayb ka aha ololihiisi doorashada Mr Roger Stone. Stone ayaa lagu xukumey xabsi saddex sano iyo bilo gaaraya, kadib markii lagu heley in uu sameeyey been iyo marin habaabin ku saabsan baaritaankii farogelinta Ruushka ee ee doorashadii maraykanka sanadkii 2016.

Warbixin qoraal ah oo oo ka soo baxdey Aqalka cad fiidnimadii Jimcaha, ayaa lagu dhalleeceeyay dacwadda lagu soo oogay Stone iyo eedeymaha ka soo baxay baaritaankiisa. Qoraalka ayaa lagu yiri: Waxaa loola dhaqmay si aan caddaalad ahayn, sida kuwa kale oo badan oo kiiskan ah. Roger Stone hadda waa nin xor ah! , waxaana cafis u fidiyey M.adaxweynaha

.Go’aanka ka soo baxay Donald Trump ayaa hoggaamiyaasha xisbiga Dimoqraadigu ku tilmaameen musuqmaasqii ugu weynaa abid ee ka dhaca dalka Maraykanka iyo kufsi loo geystey caddaaladda.

guddoomiyaha guddiga Sirdoonka ee Aqalka Kongresska ayaa yiri “Cafintan”, Trump wuxuu cadeynayaa in ay jiraan labo nidaam cadaaladeed : mid saaxiibadiisa dambiile ah, midna qof walboo kale oo Ameerikaan ah”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.