Home Afsomali Duqayn lagu dilay Xubno ka tirsan Alsbabaab

Duqayn lagu dilay Xubno ka tirsan Alsbabaab

War saxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada maraykanka ee qaaradda Africa ee loo yaqaano Africom ayaa lagu sheegay in duqeyn xagga cirka ah oo ay qaadeen lagu dilay 13 dagaalame oo ka tirsan Alshabaab.

Duqeynta oo aroornimadii sabtidii ka dhacday meel qiyaastii 45km woqooyi galbeed uga beegan magaala madaxda gobolka Jubada Hoose ee Kismaayo, ayay maraykanku ku sheegeen inay ahayd is difaac.

Taliska maraykanka ee qaaradda Africa ayaa sheegaya in baaritaankooda horudhaca ah uu muujinayo in aanay jirin waxyeelo dad rayid ah gaartay.

Maraykanka ayaa  Dawladda  Soomaaliya ka caawiya duqeymaha xagga cirka ah ee lagu majaxaabinayo kooxda Alshabaab ee dagaalka kula jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.