Home Afsomali Guddiga Gaadiidka,Garoomada,Dekedaha, Waddooyinka iyo Tamarta ee Golaha shacabka BJFS ayaa Maanta gaaray...

Guddiga Gaadiidka,Garoomada,Dekedaha, Waddooyinka iyo Tamarta ee Golaha shacabka BJFS ayaa Maanta gaaray Magaalada Baydhabo,

Guddiga Gaadiidka,Garoomada,Dekedaha, Waddooyinka iyo Tamarta ee Golaha shacabka BJFS ayaa Maanta gaaray Magaalada Baydhabo, ee Caasimadda kumeel gaarka ah Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Waftigan ballaaran oo uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Guddiga Gaadiidka,Garoomada,Dekedaha, Waddooyinka iyo Tamarta ee Golaha shacabka BJFS Hon. Abdillahi Abdi Mohamed (Abdillahi Geel-qaad) ayaa sheegay in ujeeddada safarkoodu tahay inay ka qeyb galaan xafladda xarig-jarka waddooyin dhawr ah oo madaxweynaha Koonfur Galbeed ka hirgeliyey magaalada Baydhabo, kuwaas oo uu maalgeliyey Bangiga Adduunka.
Guddiga waxa ay goobjoog ka noqdeen waddooyin iyo buundooyin si wanaagsan loo dhisay Isla markaana la waafajiyey standardka caalamiga ah ee adduunka. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta xildhibaan Ismail Abdirahman Sheikh Bashir ayaa isaguna waftiga qeyb ka ahaa.
Ugu danbeeyntii Guddoomiyaha Guddiga iyo qaar kamid ah xubnaha Guddiga ayaa bogadeeyay dedaallada hormarineed oo ay ku talaabsadeey Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed oo uu hogaaminaayo Madaxweyne Abdiaziz Hassan Lafta-Gareen.
DHAMAAD.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.