Home Afsomali Muuqaalka Taliyihii hore ee Sirdoonka Qaranka Soomaaliya  Jen.C/raxmaan Tuur-yarre oo wareysi siiyay ...

Muuqaalka Taliyihii hore ee Sirdoonka Qaranka Soomaaliya  Jen.C/raxmaan Tuur-yarre oo wareysi siiyay  warbaahinta  afka Soomaaliga

Taliyihii hore ee Sirdoonka Qaranka Soomaaliya  Jen.C/raxmaan Tuur-yarre oo wareysi siiyay  warbaahinta  afka Soomaaliga  ayaa wax laga weydiiyay khilaafka la hadal hayo inuu soo kala dhex galay Wasiirka Gaashaandhiga Somalia C/qaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Jen.Ibraahin Sh Muxudiin.

Jen.Tuur Yare wuxuu sheegay in wax weyn aysan ahayn khilaafka la sheegay inuu ka  jiro wasiirka iyo Taliyaha

” Wasiirka iyo Taliyaha  shaqada way  kala leeyihiin oo wasiirku wuxuu qaabilsan yahay dhanka siyaasada,xeerarkiisa ,inuu ka warbixiyo marka la eego dhigiisa dalalka caalamka halka Taliyuhuna shaqadiisa tahay diyaarinta ciidamada,howlgalintooda iyo daryeelkooda”ayuu yiri Jen.Tuur-yarre.

Jen.Tuur-yarre wuxuu intaas ku daray in madaama shaqadoodu kala saaran tahay labada masuul in hadana ay macquul tahay inay isku khilaafi karaan dhanka dagaalka tala bixintiisa.

Shaqadiisu u badan tahay isku xirka   iyo taliyaha shaqadoodu isku qasneyn hadana  Waxaa macquul ah inay isku maandheefeen.

https://youtu.be/6WWU_Y-AHBY?si=QDD_o-a1bHljO_GZ

 

https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.