Home Afsomali Qarax Ismiidaamin goordhaw ka dhacay Maxaas uu joogo madaxweyne Xasan Sheekh

Qarax Ismiidaamin goordhaw ka dhacay Maxaas uu joogo madaxweyne Xasan Sheekh

Wararka aan ka heleyno degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw qarax aad u xoogan jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah Maxaas, waxaana qaraxaasi la sheegay in uu ka dhacay koontarool magaalada laga soo galo.

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxay oo kusoo jeeday degmada Maxaas ayaa lagu qarxiyay bannaanka magaalada, waxaana la sheegay gaarigaasi in ay fashiliyeen oo qarxiyeen ciidamada Itoobiya iyo ammaanka  ee ku sugan bannaanka Maxaas.

Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa ku dhinaty ninkii waday gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, lamana soo sheegin khasaaro qaraxa kasoo gaaray ciidamada Macawuusleyda iyo kuwa kale ee ammaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxcamuud ayaa xilliga qaraxadhacayay ku sugnaa xero ciidanka dowladda leeyihiin, waxa uuna halkaasi kula hadlayay ciidankii goobta joogay, isagoona sii watay hadalkiisa xilli uu dhacay qaraxa xooggan.

 

https://youtu.be/ghtlsVaIFa0

https://youtu.be/C7nBMeqww7Q

 

https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.