Home Afsomali Muuqaalo kala duwan Xasan Sheekh oo u kuurgalaya Xaalada ciidankii soo banneeyay...

Muuqaalo kala duwan Xasan Sheekh oo u kuurgalaya Xaalada ciidankii soo banneeyay furumaha dagaalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuur galaya xaalada ciidamada qaranka iyo kuwa halyeeyada shacabka ee ku howlan dib u xoreynta dalka ayaa soo gaaray degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Aadan-yabaal kala hadlaya saraakiisha ciidamada qaranka, kuwa difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo ka baadan bil ku howlan abaabulka iyo dardar-galinta hawlgallada dalka looga sifeynayo nabad-diidka Al-shabaab ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ka ah argagixisada uu socon doono inta laga ciribtirayo dalkeenna.

Degmada Aadan Yabaal waxaa ku sugan inta badan ciidankii kasoo baxay deegaanno iyo degmooyin kuyaalla Shabeelaha Dhaxe iyo Galgaduud, madaxweynaha ayaana u kuurgali doona xaalada ciidankan una diyaarin doona in mar kale duullaan qaadaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa waxaa kusoo dhaweeyay degmada Aadan-yabaal, Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka soomaaliyeed Sarreeye guuto Ibraahim Sheekh Muxyidiin iyo saraakiil kale.

https://youtu.be/ghtlsVaIFa0

https://youtu.be/q8iUOW73928

https://youtu.be/c-u7ocZzxCQ

https://youtu.be/ghtlsVaIFa0

https://youtu.be/HWQG7IzJbMw

https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.