Home Afsomali Shir Xasaasi ah oo looga hadlayay amniga Caasimadda oo Muqdisho ka dhacay

Shir Xasaasi ah oo looga hadlayay amniga Caasimadda oo Muqdisho ka dhacay

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda ayaa kulan loogu hadlaayay dar-dargelinta amniga caasimadda la qaatay saraakiisha laamaha kala gedisan ee amniga.

Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir, taliyaha hey’adda  Nabadsugida gobolka Banaadir iyo saraakiisha ciiddanka Police Millitary ayaa Duqa Muqdisho ugu warbixiyay howlgallada Xasilinta caasimadda iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin dar-dargelinta amniga gobolka Banaadir si loogu hortago dhagarta Cadowga.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa Saraakiisha laamaha amniga kula dar-daarmay in la dar-dargeliyo howlgallada sugida Amniga caasimadda, la-dagaalanka maandooriyaha iyo tabo kasta oo cadowga ku dhibaateyn karo nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa imaanaya xilli isbuucii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ka dhaceen dilal iyo qaraxyo lagu dilay dad shacab ah iyo askar katirsan dowladda, waxaana wali jirta cabsi laga qabo in falal akle oo amni darro caasimadda ka dhacaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.