Home Afsomali Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo baarlamaanka uga digay in ay Xukuumada cusub...

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo baarlamaanka uga digay in ay Xukuumada cusub caqabad ku Noqdaan kana shaqeyn weydo

Sii haayaha Wasiiru dowlihii Madaxtooyada Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ugu baaqay Baarlamaanka inuu meel mariyo Xukuumadda cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, isagoo soo jeediyay in fursad la siiyo waajibaadka saaran dowladdan ay gudato.

Xildhibaanka oo dalka dib ugu soo laabtay, kaddib howlo fasax ah oo uu dibadda ugu maqnaa ayaa sheegay in aan xilligan loo baahneyn mucaarado bilow ah iyo is qab qabsi.

“Baarlamaanka waxaa ka codsanayaa inuu meel mariyo Xukuumaddan, oo uusan noqon mid diida, hadii ay taas dhacdo waxaa uu Baarlamanaka dusha saaranayaa fashilka ku yimaada dowladdaan”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

Waxaa uu sheegay in isaga uu ka mid yahay dadka aaminsan in Xukuumadda la meel mariyo, si aan dalka intaan hoos ugu sii dhicin.

“Anaga waxaa is leenahay dalkan wixii ka qabsoomay horay haloo sii wado, si meesha uu joogo aan horay uga sii socono,  waxaan aaminsanahay in Xukuumaddan la meel marin doono”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka mid ah Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo olole xooggan ugu jira sidii loo ansixin lahaa Xukuumadda cusub.

warqad ka soo baxday Guddoomiyaha Baarlamaanka uu u diray Ra’iisul Wasaare Kheyre, isagoo ka dalbaday in dib u eego Golaha Wasiiradda, kaddib talo soo jeedin ka timid Xildhibaano gaaraya 105 Xildhibaan oo sheegay in qaabka dhismaha Xukuumadda aan loo marin qaabka awood qebsiga 4.5.

gudoomiyaha iyo beesha uu ka soo jeedo ayaa qaba in ay xaq u leeyihiin in loo magacaabo wasaarada maaliyada qaranka

Anagu xoogsataan nahay

Xalaal quudataan nahay

Xantiyo beenta ma naqaan

Xaqiiqdaan u diraraa

Runtaan xoolo leenahay

Beentaan xoog u neceb nahay

Anugu xoogsataaan nahay

Xornimadaan u diriraa

Xoolaha dadweynaha

Kuwa xaabsanaayiyo

Ma xishoodayaashaa

Xarbi naga dhexeeyaa

Anagu xoogsataan nahay

Waxa noo xigaala

Midka xeerka dhawree

Xanaaneeya hawshee

Xaqdarada ka leexshee

Xatooyada ka dhawree

Kanay xiga kani waa xasabaday

Xaniyo been ka nabad gala

Kaasaa noo xigaala

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.