Home Afsomali Heshiiska Emaaraadka ee qorsha qodista ceelal biyood ayaa waxaa dalkeena u saxiixay...

Heshiiska Emaaraadka ee qorsha qodista ceelal biyood ayaa waxaa dalkeena u saxiixay Maxamuud Macallim Cabdulle

Wasiirka Tamarta iyo Qayraadka Biyaha XFS  Jaamac Taqal Cabaas, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa kulan mira-dhal ah oo diiradda lagu saarayay hindisaha lagu taageerayo gobollada laga xoreeyay khawaarijta la qaatay Safiirka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Md. Axmed Juma Al-Rumaithi.

Safiir Axmed Al-Rumaithi oo ka duulaya qorshaha Imaaraadka ee la shaqeynta Dowladda Soomaaliya ayaa saxiixay heshiis u jeedkiisu yahay qodista ceelal biyoodyo lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada laga xoreeyay Khawaarijta.

Al-Rumaithi ayaa sidoo kale uga mahad celiyay Madaxweynaha JFS, Md. Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xukuumadda, hagaajinta hababka taageerada qaranka, halka uu si weyn u bogaadiyay doorka baaxadda leh ee hay’adda SoDMA ku leedahay fududeynta hannaanka loo fulinayo mashruuca, si daahfuran oo labada dhinacba u dhexeysa.

Wasiir Tamarta XFS,Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka, ayaa uga mahadceliyay safiirka, shacabka iyo Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada muddada dheer ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.