Markabkaasi ayaa la filayaa inuu magaalada Muqdisho soo gaaro maalmaha soo socda, waxaana uu sidaa 25 kun oo tan oo sarreen ah ama qamadi.
Gargaarkan cunto ayay dowladda Ruushka ku dhawaaqdey inay siinayso dalal Afrikan ah oo ay Soomaaliya ugu horeyso dhowr bilood ka hor.
Safiirka ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac iyo Agaasimaha Waaxda Yurub ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Danjire Cabdiraxmaan Nuur Maxamed (Diinaari).