Home Afsomali Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Cabduqaadir Xaaji Maxamed Lugadheere oo kismaayo ku...

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Cabduqaadir Xaaji Maxamed Lugadheere oo kismaayo ku soo Dhaweeyey raiisal wasaare Xamse Cali Bare (DAAWO SAWIRADA )

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Cabduqaadir Xaaji Maxamed Lugadheere oo kismaayo ku soo Dhaweeyey raiisal wasaare Xamse Cali Bare

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyey Magaalada Kismaayo Kismaayo, Nofeembar 26, 2023; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ,Cabduqaadir Xaaji Maxamed Lugadheere Madaxwene ku-xigeennada, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubbaland. Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Jubbaland ayaa la xiriira u kuurgelidda xaaladaha binu aaddantinimo ee ka dhalatay daadadka El-nino oo saameyn xooggan ku yeeshay deegaannadan, dardar-gelinta howl-galka wajiga 2aad ee ciribtirka Khawaarijta, i jarka iyo dhagax-dhigga mashaariic horumarineed iyo xoojinta wada-shaqeynta hey’adaha Federaal iyo kuwa dowlad-goboleed Jubbaland. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Dowlad goboleedka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada soo dhaweynta diirran ee lagu qaabila waxaana soo dhaweyn iyo hambalyodiiran ku soo dhaweeyey madaxda maamulkaas gaar ahaan Cabduqaadir Xaaji Maxamed Lugadheere

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.