Home Afsomali Baarlamanka Denmark oo ansixiyay sharci lagu mamnuucayo arrin Muslimiinta dhibsadeen

Baarlamanka Denmark oo ansixiyay sharci lagu mamnuucayo arrin Muslimiinta dhibsadeen

Baarlamaanka Denmark ayaa Khamiistii meel mariyay sharci dambi ka dhigaya in kitaabka Qur’aanka Kariimka ah lagu gubayo goobaha fagaarayaasha ah, si loo dejiyo carada dalalka Muslimiinta ah, kadib markii ay Denmark ka dhaceen dibadbaxyo rabshado wata, kadib markii la gubay kitaabka qur’aanka kariimka ah.

Denmark iyo Sweden ayaa sanadkan la kulmay mudaaharaadyo is daba joog ah, halkaas oo dadka uu ku jiro Islaam Naceybka ay gubeen ama si kale u dhaawaceen nuqullo ka mid ah Quraanka Kariimka, taasoo dhalisay in dawladaha Waqooyiga Yurub ay mamnuucaan dhaqankaas.

Sida uu sheegay wasiirka caddaaladda Peter Hummelgaard, in ka badan 500 oo mudaaharaadyo ah oo ay ku jiraan gubista qur’aanka kariimka ah ama calanka ayaa la diiwaan geliyay tan iyo bishii July.

“Bannaanbaxyadan oo kale waxay dhaawici karaan xiriirka Danmark la leedahay dalalka kale, danahayaga iyo ugu dambeyntii badbaadadayada,” ayuu yiri Hummelgaard.

Si loo dheellitiro xoriyatul qawlka ee uu dastuurku ilaalinayo, oo ay ku jirto xaqa dhaleecaynta diinta, iyo amniga qaranka iyada oo laga cabsi qabo in qur’aanka la gubo ay horseedi karto ‘weerarro kaga yimaada Islaamiyiinta.’

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.