Home Afsomali Ciidanka xoogga oo gacanta ku dhigay nin miino ku aasayey jidka isku...

Ciidanka xoogga oo gacanta ku dhigay nin miino ku aasayey jidka isku xira..

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa gacanta ku dhigay nin ka tirsanaa Al-shabaab oo doonaayay inuu miino ku aaso wadada u dhaxeeya Dagmoyinka Beledweyne iyo Buulaburte.

Qabashada ninkan ayaa timid xilli ay socdeen howlgallo looga hortagayo xoogag taabacsan al-shabaab oo gabaad ka dhiganaya dhulka buuraleyda ah ee u dhaxeeya Baladweyn iyo Buulu Burde.

“Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa haatan ku howlan ama sii wada raadinta kooxaha khawaarijta ee lagu tuhmay in ay gabbaad ka dhiganayaan dhulka buuraleyda ah,iyagoo doonaya in ay aasaan walxaha qarxa” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Ninka la qabtay ayey ciidamadu sheegeen iney dhigeen xabsiga, kuna wareejin doonaan laamaha amaanka si maxkamad loo soo taago.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.