ila muhiim ah oo aan helay ayaa ii xaqeejiyay inuu been abuur yahay wararka lagu baahiyay Baraha ee la xariira in la dalacsiiyay saraakiil ciidan oo ka tirsan Xooga dalka Soomaaliyeed.
‘’Ma jiro wax dalacaad ah oo ka soobaxay Xafiiska Taliyaha Ciidanka Xooga dalka, mana jiro sarkaal dalacaad la siiyay ama loo qoray waana beer abuur ayuu yiri Mid ka mid ah Saraakiisha Sar sare oo XDS ka tirsan oo aan la hadlay’’.
Saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha Bulshada lagu qoray in la dalacsiiyay saraakiil ciidan oo aad ugu dhaw Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Taliyaha Xooga Dalka S/Gaas ibraahim Sheikh Muxudiin Laakiin waxaa cadaatay in warkaas yahay been abuur.
Sidoo kale xog aan ka helay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegaysa in aan la dalacsiin doonin sarkaal ama askari ilaa Soomaaliya inteeda badan laga saaro AS.