Home Afsomali Xubno ka Tirsan Alshabaab oo lagu dilay duqayn ka dhacday gobolka Mudug

Xubno ka Tirsan Alshabaab oo lagu dilay duqayn ka dhacday gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in Deegaanka Baraag Cali Gaduud oo degmada Xarar-dheere ee koofurta gobolka Mudug 31 Km dhanka koonfureed kaga beegan ayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka  sameeyeen howlgallo qorsheeysan oo khasaare lagu gaarsiiyay  Alshabaab .

Howlgalka oo ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga dalka iyo saaxiibada Caalamka ayaa ahaa duqeeyn dhinaca cirka ah waxaana lagu bartilmaameedsaday Xubno ka tirsan Alshabab iyo Gaadiid ay wateen .

Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in howlgalka lagu gubay laba gaari islamarkaasna lagu dilays laba xubnood oo Alshabaab ka tirsan .

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ayaa sidoo kale sheegay in degaanka Baraag Cali gaduud oo ka tirsan koofurta gobolka Mudug Mudooyinkii dambe Fariisin ku lahaayeen Xubno ka tirsan Alshabaab .

Duqaynta lagu dilay xubnahaan tirsan Alshabaab ee ka dhacday nawaaxyiga degmada Xarar dheere ee gobolka Mudug ayaa ku soo aadeysa Xilli maalmihii la soo dhaafay Hawgallo ka dhan ah Alshabaab uu ka socda degaannada Galmudug .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.