Home Afsomali Dowladda Kenya oo Shaacisay in shaqaale u direyso Sacuudiga iyo Madaxweyne Ruto...

Dowladda Kenya oo Shaacisay in shaqaale u direyso Sacuudiga iyo Madaxweyne Ruto oo…

Dowladda Kenya ayaa qorsheeneysa in Boqortooyada Sacuudiga u dirto kumanaan shaqaale ah oo dalkeeda u dhashay , kaddib heshiis ay gaareen maalintii Khamiista dowladaha Sacuudiga iyo Kenya.

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in Kenya ay heshiis ku gaartay in shaqaalo u dhashay dalkaas loo dhoofiyo dalka Sacuudiga, kuwaa uu sheegay in fursado shaqo ay ka heleen dalkaasi.

Sida ku cad heshiiska la gaaray Khamiistii, Kenya waxay u diri doontaa dalka Bariga Dhexe kuyaalla kalkaaliyayaal iyo shaqaale kale oo xirfadlayaal ah, iyadoo 2,500 oo shaqaale ah loo qorsheeyay in la geeyo dalka ugu horreeya oo ah Sucuudiga.

Dowladda Kenya ayaa dhawwaan sidoo kale shaacisay in shaqaale gaaraya  1,500 oo shaqaale ah u direyso dhulka Israa’iil, kuwaa ayaa ka shaqeyn doona dhinaca beeraha, waxaana shaqaalahan midkiiba mushaar ahaan u qaadan doonaa  $1,500.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.