Home Afsomali Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya ayaa si Rasmi ah ula wareegay amniga...

Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya ayaa si Rasmi ah ula wareegay amniga guud ahaan Madaxtooyada Qaranka Soomaaliya

Somalisan.com Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya ayaa maanta si Rasmi ah ula wareegay amniga guud ahaan Madaxtooyada Qaranka Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka XDS S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin Caddow ayaa goob joog ka ahaa munaasabada ciidamada Xooga dalka ay kula wareegayeen shaqada amniga guud Ee villa Somalia .

Taliyaha Ciidanka XDS oo munaasabada ka hadlayay ayaa yiri ‘’Maanta waxa ay marqaati ka tahay ballan qaadkii 16 sano ka hor loo sameeyay oo ah in Soomaaliya laga taageero sidii ay u qaadan lahayd mas’uuliyadda amniga. Waxaa sharaf noo ah in aan maanta halkaan soo gaarno.

Waxaan rabaa inaan tacsi tiiraanyo leh u diro dhammaan haweenka iyo ragga ku dhintay Somaliya intii lagu jiray howlgalada ay dalkeena ka wadeen Ciidamada AMISOM oo hada loo bedalay ATMIS’’.

Taliye Ibraahim Sheikh Muxudiin Taliyaha Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale dardaaran adag siiyay ciidamada Xooga dalka oo lagu aaminay sugida amniga Madaxda Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.