20ka Diseembar 2023da, #ATMIS, waxa ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed SNAForce ku wareejisay Saldhigga qorillow ee maamul goboleedka Hirshabeelle.
Saldhigga oo horey u hoos imaan jiray taliska ciidamada #BNDF, ayuu taliyaha Saldhigga Qorillow ee ATMIS Gaashaanle Dhexe Jean Baptiste Nahishakiye, ku wareejiyay taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed #SNA, Gaashanle Dhexe Harun Hassan.
Xafladda ayaa waxaa guddoominayay Madaxa Qorsheynta ee Xarunta Dhexe ee Ciidanka ATMIS Gaashanle Dhexe George Nkash, waxaana goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin muhiim ah oo uu ka mid yahay Madaxa ATMIS ee Xarunta Taageerada Wadajirka ah (JSOC), Sekou Trawally; La taliyaha sare ee Madaxa @UNSOS_, Yvette Langenhuizen iyo wakiilka #CXDS Sadex Xidigle Said A. Hassan.
Wareejintan ayaa ah tallaabo weyn oo uu qaaday Wajigii 2-aad ee #DhimistaCiidamaATMIS ee lagu dhimaayo ilaa 3,000 oo askari taas oo qayb ka ah hindisaha ballaaran ee #Soomaaliya ee kala guurka amniga. Wadashaqeynta iyo isku dubaridka ka muuqatay munaasabaddan ayaa muujineysa sida ay dhinacyada ay quseysa uga go’an tahay in mas’uuliyadaha amniga ay si joogta ah ula wareegaan Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya ee howlkarka ah.