Home Afsomali Ciidamada Dawlada oo Hawlgal kula wareegay Fariisimo Alshabaab ay ku lahaayeen gobolka...

Ciidamada Dawlada oo Hawlgal kula wareegay Fariisimo Alshabaab ay ku lahaayeen gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya Koofurta  gobolka mudug ayaa sheegay in Ciidamada Dawlada kuwa Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya Ciidamada degaanka  in Hawlgallo ay ka sameeyeen koofurta gobolka Mudug ay kula wareegeen Saldhigyo Alshabaab ay ku lahaayeen degaannada Koofurta  gobolkaas.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galnudug Abshir Cabdi shiikhow ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Ciidamada dawlada kuwa Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya Ciidamada degaanka ay la wareegeen degaanka Baraak Ismaaciil oo muddo badan Alshabaab ay ku sugnaayeen .

Sidoo kale  Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa sheegay in intii Hawgalka uu socday lagu dilay 20  Xubnood  oo ka tirsan Alshabaab Hawlgalka weli uu socdo .

Ugu dambeeyntii Wasiir Abshir Cabdi Shiikhow ayaa sheegay in Hawlgaka uu sii socon donno illaa Alshabaab laga saarayo degaannada Koofurta gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.