Home Afsomali WAR SAXAFAAD EREY BIXINTA AFKA SOOMAALIGA EE URUR GOBOLEEDKA EAC

WAR SAXAFAAD EREY BIXINTA AFKA SOOMAALIGA EE URUR GOBOLEEDKA EAC

WAR SAXAFAADEEDEREY BIXINTA AFKA SOOMAALIGA EE URUR GOBOLEEDKA EAC

Muqdisho 25 December 2023: Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay dhammaan hay’adaha dowladda iyo warbaahinta la wadaageysa erey bixinta Af Soomaaliga ee saxda ah ee loo adeegsanayo Ururka EAC ee aan bishii November 24keedii ku biirnay, isla markaana uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud uu 15 December uu heshiiska ku biiritaanka rasmiga ah uu ku saxiixay magaalada Entebbe ee dalka Uganda.

Haddaba erey bixinta saxda ah waxay noqoneysaa URUR GOBOLEEDKA ISKAASHIGA DHAQAALAHA BARIGA AFRIKA, waxaana loo soo soo gaabin karaa URUR GOBOLEEDKA BARIGA AFRIKA.

Waxaa la farayaa dhammaan mas’uuliyiinta hay’adaha kala duwan iyo warbaahinta inay sidaa u adeegsadaan marka ay qorayaan ama ka hadlayaan urur goboleedkan aan dhowaan ku biirney.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.