Home Afsomali Nin dil  u geestay Sheekhii wax soo baray iyo booliiska oo raadinaya...

Nin dil  u geestay Sheekhii wax soo baray iyo booliiska oo raadinaya dilaaga

Magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya waxaa ka dhacay fal ay aad uga naxeen dadka muslimiinta ah, kaddib markii dil loo geestay nin Sheekh iyo macalin ahaa ,si weyna looga yaqaanay qeybo kamid ah magaalada Adis Ababa.

Sheekh Cabdu Yaasiin oo Imaam ka ahaa Masaajid kuyaalla magaalada Adis Ababa, sidoo kale ahaa macalin diinta Islaamka  dadka bara ayaa la dilay, xilli uu kasoo baxay Masjid uu imaan ka ahaa kuna dii jeeday gurigiisa.

Dilka Sheekha ayaa lagu tuhmayaa in uu ka dambeeyay nin lagu magacaabo Maxamed Shakuur Ababaaw , ninkan ayaana la sheegay in uu kamid ahaa dadkii uu soo bar-baariyay Sheekh waxna soo baray Sheekha uu gacantiisa ku dilay.

Ciidamada booliiska magaalada Adis Ababa ayaa raadinaya ninka lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay dilka Sheekha, lamana oga ilaa hadda sababta ninkan u dilay macalinkii wax soo baray, booliiska ayaana shacabka ugu baaqay in ay lasoo wadaagaan xogta dilaaga.

Culimada iyo dadka kale ee Muslimiinta ah ee kunool magaalada Adis Ababa ayaa ugu baaqay laama ammaanka in ay si deg deg ah usoo qabtaan gacankudhiiglaha, waxa ayna dalbadeen in qofkaasi si deg deg ah caddaaladda loo horgeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.