Home Afsomali Sawirada Dowladda Oo La Gaarsiiyay Qalab Caafimaad Oo Qeyb Ka Qaadanaya Kahor...

Sawirada Dowladda Oo La Gaarsiiyay Qalab Caafimaad Oo Qeyb Ka Qaadanaya Kahor Tagga Faafitaanka COVID-19

Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay qalab caafimaad oo qayb ka qaadanaya qorshaha looga hor tegayo in dalka uu ku faafo Caabuqa corona (COVID-19) ee dhibaatada badan caalamka ku haya.

Maxamed Siciid Cabdullaahi, Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada, Maxamed Saciid Cabdullaahi,  ayaa safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Qin Jian, kala wareegay deeqda oo qayb ka ah gargaar caafimaad oo aasaasaha shirkadda Alibaba, Jack Ma uu ugu deeqay Afrika, si ay awood ugu yeeshaan xakameynta Cudurka.

Gargaarka ayaa waxaa qayb ka ah qalabka dadka looga baaro caabuqa Corona iyo qalabka ay isticmaalaan dhaqaatiirta ka howl gala xarumaha caafimaad iyo goobaha lagu baaro dadka looga shakiyo Caabuqa.

Dowladda Soomaaliya oo dadaal xooggan ugu jirta in dadka Soomaaliyeed laga badbaadiyo Qatarta xanuunka Corona Virus, ayaa qaaday tillaabooyin looga hor tegayo faafitaanka cudurka, waxayna diyaariysay guddiyo ka shaqeeya daryeelka bulshada, xarumo lagu karaantiilo dadka looga shakiyo inay qabaan iyo xaruma kale oo dadka lagu daweeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.