Sheeko Hooyooyinka uun u gaar ah.
Wiil Xabsi ku jiray, ayay maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah. maalintii daldalaadda ayay maxkamaddu weydiisay wiilkii maxaad jeceshahay oo aad codsan lahayd maanta, maadaama ay tahay maalintii kuugu dambeysay?.
Wiilkii waxa uu codsaday qalin iyo xaanshi ama warqad, waxa uu bilaabay inuu hooyadii u qoro warqad,
waxa uuna ku billaabay sidan:
Hooyo macaan, sharcigu hadduu caddaalad yahay, maanta waxaad fadhin lahayd dhinacayga, waxaadna sugi lahayd toogasho, balse caddaalad darrada sharciga awgiis ayaa la igu tooganayaa dambiyo aan wada galnay.
Hooyo Macaan, miyaad xusuusataa sida ay ku bilaabatay?
1- ma xasuusataa 3sano jirkeygii mar aan xaday nac-nacii walaalkeey?…. Hooyo ima aadan sixin maalintaas, khalad in aan sameeyayna ima aadan sheegin.
2- Hooyo Macaan, waad og tahay markaan dariska wax ka soo xado inaad dhihi jirtay, wiilkeyga wax ma xado.
3- Hooyo Macaan, 15 jirkeygii markii layga soo ceyriyay Iskuulka, ee uu Aabe doonayay inuu igu ciqaabo iguna celiyo iskuulka, Hooyo adigaa khaladkeyga igu difaacay, yirina Macalimmintaa khaldan wiilkeygaa saxan, sidaas ayaana Iskuulkii uga haray.
Hooyo macaan, jeceylka aad i jeclayd awgii ayaad ii sixi weyday, khaladkeyguna sax kuu ahaa.
Hooyo sidaas ayay ku billaabatay illaa ay ka gaarto inaan dad dilo, xoolohooda dhoco, Gabdhahana kufsado.
Hooyo maanta waxa ay maraysaa inaan noqday naftii halaage aan aakhiro iyo adduunba qiimo laheyn.
Hooyo Macaan, waxay maraysaa in la i xukumo, la ina dilo maanta.
Hooyo macaan, aad ayaan u yaraa, kaliya waxaan u baahnaa in waddo sax ah aad igu hagto, i tarbiyayso khalad iyo saxna ikala barto.
Hooyo markaad warqaddan akhriso oo aad dhammeyso anigana waaba la itoogtay, imana difaaci kartid sidii aad ii difaaci jirtay.
Waa: wiilkaagii ku jeclaa adna aad jecleyd.
FIIRO GAAR AH:
Sheekadani waa Tusaaleyn. Hooyo Ha u horseedin Caruurtaada Tiirka toogashada.