Home Afsomali RW Xasan Cali Kheyre oo martiqaad Mahadcelin ah u sameeyey xildhibaanada (...

RW Xasan Cali Kheyre oo martiqaad Mahadcelin ah u sameeyey xildhibaanada ( DAAWO SAWIRADA )

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Casho sharaf u sameeyey Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyey ansixinta Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda, isagoo ka dalbaday wada shaqeyn dhex Marta labada Hay’adood ee fulinta iyo sharci dajinta.

Casho sharafta ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Golaha Wasiirada iyo marti sharaf kale. Ra’iisul wasaare Xasan Kheyre ayaana ku dheeraaaday muhiimadda ay leedahay in ay isku xirnaadaan hay’adaha Dawladda si dalka wadajir loogu gaarsiiyo horumar iyo isla xisaabtan dhab ah oo dhex mara.

—-DHAMMAAD—-

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.