Home Afsomali Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga oo gaaray Furuumaha dagaalka Gobolka Mudug

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga oo gaaray Furuumaha dagaalka Gobolka Mudug

Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka dhulka xoogga dalka G/le sare Cabdi Salaad Cali iyo saraakiil kale ayaa kormeer shaqo ugu tegay ciidamo ka tirsan guutada 27-ad ee ciidanka xooga dalka soomaaliyeed.

Ciidamada ay kormeereen Taliyaha iyo saraashiisha kale ayaa qeyb ka ah Ciidanka xoogga dalka ee furmaha koofurta Gobolka Mudug kula dagaalamaya dagaalamaayasha ALshabaab eek u sugan dhulka howdka ah.

Sidoo kale Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka dhulka xoogga dalka G/le sare Cabdi Salaad Calin ayaa ciidanka ku amaanay sida ay ugu diyaar-garoobeen howlgalada dalka looga  saarayo AL-Shabaab.

Taliye Cabdi Salaad ayaa Ciidanka Faray iney sii  laba jibaaraan howlgalada ka dhanka ah dagaalamayaasha AL-Shabaab, oo dhawaanahaan ay kula dagaalamayeen degaanno dhaca koofurta Gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.