Home Afsomali Jaamacadda Carabta oo markale ka digtay Faragelinta Itoobiya ay ku heyso Soomaaliya

Jaamacadda Carabta oo markale ka digtay Faragelinta Itoobiya ay ku heyso Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday xarunta Al-Azhar Al Shariif ee Magaalada Qaahira ayaa la kulmay Sheekh Axmed Maxamed  El-Tayeb oo ah Imaamka Al-Azhar, iyagoo ka wada hadlay ahmiyadda dagaalka fikirka ee ka  dhan ah Alshabaab iyo xaaladda kumannaanka arday ee wax ka barata Jaamacadda iyo Xarumaha Al-azhar.

Madaxweynaha oo ayaa sheegay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in lasii xoojiyo hirgelinta macaahid diini ah iyo xarummo lagu wajaho fikirka xagjirnimada ayaa ku marti-qaaday  Sheekh Axmed Al Tayib in uu booqasho ku yimaado Soomaaliya si uu u soo arko horumarka iyo miro-dhalka dowladnimada Soomaaliya.

Dhinaca kale , Imaamka xarunta Al-Azhar Al Shariif   Sheekh Axmed Maxamed El-Tayeb oo Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada  ayaa aqbalay casuumadda, waxa uuna si adag u cambaareeyey Faragelinta ay dowladda Itoobiya ku sameysay Madax bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo xusay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga difaaco cid kasta oo ku soo xadgudubta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.