Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada caasimadda ah ee Muqdisho uu ka furmo shirka 6-aad ee Garsoorka dalka, kaasi oo ay ka qeybgalayaan bahda Garsoorka dalka.
Garsoore Abubakar Axmed Cali, Guddoomiyaha Gudd ee qaban qaabada Shirka oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid sanadkii 6-aad la qabanayo, uuna Maanta ka furmayo caasimadda Muqdisho.
Inta uu socdo shirweynaha Maanta furmaya ayaa waxaa looga hadli doonaa Arrimo badan oo la xiriira dhanka Garsoorka dalka, Cadaadalada, dowlad wanaaga, ciribtirka Musuq-maasuaq iyo qodobo kale oo Madaxda u qorsheysan.
Sidoo kale Shirka ayaa waxaa Khudbado ay jeedin doona Masuuliyiinta kala duwan ee ka qeyb galeysa, waxaana Shirkaas la filayaa in saacadaha soo socda uu si rasmi ah u furmo.