Home Afsomali Adeerkey Cali Cabdule Macali hilowle waxaa igu balan ah in aan gacanteyda...

Adeerkey Cali Cabdule Macali hilowle waxaa igu balan ah in aan gacanteyda ku dili doono …….

2 Xidigle Cabdi Maxamuud Foodcade oo ka tirsanaa bolice Hirshabelle saldhiga dagmada balcad gaar ahaan tuulada Caliyaale  ayaa risaas ku furey Marxuum Cali Cabdulle Macalin hilowle  oo isla goobtii ku geeriyooday  sida ay warbaahinya u xaqiijiyeen ehelada iyo dad kale oo goob joobjoogayaal ahaa waxuuna ka baxsaday  foodcade goobtii uu ka geystay falka dilka ah .

Boqolaa qof oo ka tiiraanyeysan geerida Cali Cabdulle Macalin oo deegaanka caliyaale si weyn looga yaqaanay ayaa iskuugu soo baxay halka lagu aasayey waxayna ku dhawaaqayeen cadaalada baan dooneynaa

Ehelada wiilka la dilay ayaa sheegay in ay mareen dhamaan sharciyadii looga bahnaa ugu danbeytiina ay go.aansadeen in marxuumka la aaso maadaama risaas badan ay jirkiisa ku taal kuwaas oo madaxda sare ee dowlada xafiiska xeer ilaalinta iyo laama amniga ka dalbaday in ay cadaalad helaan maxkamadana la soo taago sarkaalka falka dilka ah geystay .

Ugu danbeytiina Ehelada Cali Cabdule Macali hilowle ayaa wacad ku maray in ay ugaarsan doonaan sarkaal ka tirsanaa bolice ka maamulka hirshabell e oo dil barer ah u geysta wiilkooda hadii aan sharciga la horkeenin saacado gudohood

Qaar ka mid ah ehelada iyo asxaabta amrxuumka oo aaaska dib warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahiyey ujeedka cabashadooda  iyo sababata dilka loogu geystay marxuumka iyagoo codsaday in la soo qabto si loo maxakamadeeyo foodcade oo ay sheeegeen in uu geystay dil baree ah waxaana ka mid ahaa hadaladoodii

 

 

 

 

`

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.