Sida la sheego Fircoon wuxuu caqli ahaan ahaa qof iska caadi ah, Haamaanna wuxuu ahaa caqliga uu Fircoon ku socdo, mar kasta oo fircoon musiibo ku dhaco, Haamaan ayaa ka soo saari jiray!!!
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa timid islaan waayeel ah oo rabta in Fircoon u soo nooleeyo arigeedii ka dhintay, sababtoo ah Fircoon wuxuu ku andacoonayay inuu yahay ilaah wax nooleeya oo wax dila.
Haamaan islaantii wuxuu siiyay ari nool, wuxuuna ku yiri Fircoon maanta howl taas ka weyn ayuu hayaa oo geel ayuu abuurayaa! Islaantina wey iska tagtay.
Fircoon iyo Haamaan ayaa gadaal dambe ka kulmay wuxuuna Haamaan ka sheekeeyay qisadii islaanta u timid in loo soo nooleeyo ridii ka dhimatay, iyo inuu siiyay ri nool una sheegay in Fircoon maanta geel abuuris mashquul ku yahay!
Fircoon oo aad u taahaya baa yiri:
Alla Haamaanoow haddaad ogaan lahayd siday u adag tahay in geel la abuuro!!
Haamaan inta dhoola caddeeyay ayuu yiri hadalkiisa caanka noqday ee ahaa: Fircoonow xataa anigaa!!??