Home Afsomali Shageyso Taliyaha NISA ee gobolka Banaadir C/xakiin Fareey Ciidamada Shisheeye amaanka Muqdisho...

Shageyso Taliyaha NISA ee gobolka Banaadir C/xakiin Fareey Ciidamada Shisheeye amaanka Muqdisho waa uga maaranaa

OLYMPUS DIGITAL CAMERA
Taliska Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA gaar ahaan kan gobolka Banaadir ayaa war lama filaan ah kasoo saaray amniga Muqdisho oo maalmahan dambe isbedal aan caadi ahayn lagu sameeyey.

Taliyaha NISA ee gobolka Banaadir C/xakiin Fareey oo wareysi siiyey Idaacadda afka dowladda ku hadasha ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in ciidanka NISA oo aan kaashan shisheeye awood u leeyihiin in amniga Muqdisho sugaan.

Wuxuu tilmaamay in tijaab weyn ay ahayd in ciidanka ay sugaan amniga shirkii IGAD gaar ahaan dhammaan Muqdisho oo lagu daadiyey ciidankaan, isaga oo sheegay in hadda ay leeyihiin ciidamo sugi kara amniga guud ee Muqdisho.

Farey ayaa sheegay in shirka IGAD uu wax badan ka bedalay artagtidii caalamka laga qabay, islamarkaana caalamka ay arkeen in Muqdisho ay tahay meel nabdoon oo shir lagu qaban karo.

Sugista amniga Muqdisho ayaa ahayd dhammaan waddooyinka Muqdisho oo la xiray, shacabka oo la lugeysiiyey iyo magaalada oo kala xirantay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.