Maxkamad ku taala dalka Pakistan ayaa 14 sano oo xarig ah ku riday Ra’isul Wasaarihii hore ee Pakistan Cimraan Khan maanta oo Jimce ah, sababo la xiriirra kiis musuqmaasuq dhul, kadib markii dibu dhacyo ku yimaadeen wadahadallo u socday xisbigiisa iyo dawladda, si hoos loogu dhigo xasilooni darada siyaasadeed ee ka jirta wadankan ku yaala Koonfurta Aasiya.
Kiiska dhagaysigiisa ayaa ka dhacay maxkamad ku taala magaalada Rawal Bindi halkaas oo Cimraan Khan ku xirnaa tan iyo bishii August sanadkii 2023.
Xaaska Cimraan Khan oo la yiraahdo Bushra Biibi ayaa iyana lagu helay dambi, waxana garka loo galiyay xabsi todobo sano ah. Bushra ayaa xabsiga uga maqnayd damiin sida uu sheegay wargeyska Geo News. Xisbiga Cimraan Khan ayaa xaqiijiyay in Biibi la geeyay xabsiga uu ku xiran yahay Khan kadib markii ay soo martay baaritaan caafimaad.
Sida xisbigu ka soo weriyay maxkamadda Khan iyo xaaskiisa ayaa ku heshay musuqmaasuq iyo wax isdaba marin.
Kaaliyaha xisbiga Cumar Ayuub ayaa sheegay in xukunka ay ka qaadanayaan racfaan isla markaana ay u gudbinayaan maxkamadda sare.
Xubno ka tirsan golaha wasiirada xukuumadda Pakistan ayaa soo dhaweeyay xukunka ku dhacay Cimraan Khan, waxayna sheegeen in uu watay cadeymo ku filan.