Home Afsomali Baarlamaanka oo soo jeediyay in Wasaaradda Maaliyadda iyo Gobolka Banaadir laga...

Baarlamaanka oo soo jeediyay in Wasaaradda Maaliyadda iyo Gobolka Banaadir laga hakiyo miisaaniyadda Maaliyadeed,

Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Musuqmaasau ku eedeeyay hey’addaha dowladda federaalka iyo Gobolka Banaadir.

Warbixin Guddiga Maaliyadda soo saaray oo maanta loo qeybiyay Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa lagu soo bandhigay xisaabaadka Hey’addaha dowladda ee qarashka maaliyadda dalka ee Miisaaniyadda sanadka 2018.

Guddiga ayaa soo bandhigay warbixin ka kooban 22 bog oo laga soo bandhigay musuqmaasuq baahsan oo ka jira dawladda federaalka, kaas o lagu musuqmaasuqay miisaaniyadda dalka mudadii u dhaxaysay Janaayo illaa Agosto ee 2018ka.

Guddiga wuxuu si gaar ah u soo jeediyay in Wasaaradda Maaliyadda iyo Gobolka Banaadir laga hakiyo miisaaniyadda Maaliyadeed, sidoo kale waxaa uu faray Hanti dhowrka Guud iyo Xisaabiyaha Guud inay baaritaan ku sameeyaan hey’adaha dowladda federaalka ee sameeyay Musuqmaasuqa iyo in si qaldan loo maamulay habkii miisaaniyadda dalka.

Previous articleRa’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Finland ( DAAWO SAWIRADA )
Next articleMinnesota Writer Launches ‘First Of Its Kind’ Magazine Packed With Somali Stories And Art 19

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.