Home Afsomali Mareykanka iyo Israel oo si rasmi ah ugala soo xiriiray DF iyo...

Mareykanka iyo Israel oo si rasmi ah ugala soo xiriiray DF iyo Somaliland qorshaha Gaza

Maraykanka iyo Israa’iil ayaa la xiriiray mas’uuliyiin ka tirsan saddex dowladood oo Bariga Afrika ku yaalla si ay ugala hadlaan suurtagalnimada in dhulkooda loo isticmaalo dib u dejinta Falastiiniyiinta la rabo in laga barakiciyo Marinka Gaza, sida ay u xaqiijiyeen saraakiil Maraykan iyo Israa’iil ah oo la hadlay wakaaladda wararka ee The Associated Press.

Xiriirrada lala sameeyay Suudaan, Soomaaliya, iyo Somaliland – oo ah gobol iskiis ugu dhawaaqay madax-bannaani balse aan si caalami ah loo aqoonsan – ayaa muujinaya sida ay Maraykanka iyo Israa’iil uga go’an tahay horumarinta qorshe la kulmay cambaareyn ballaaran, kuna murugsan dhinacyada sharciga iyo anshaxa.

Maadaama saddexdan dal ay yihiin kuwo dhaqaale ahaan liita, qaarna ay la daalaa dhacayaan rabshado, qorshaha Trump wuxuu shaki gelinayaa sheegashadiisa ah in Falastiiniyiinta Gaza la dejin doono “goob qurux badan.”

Mas’uuliyiinta Suudaan ayaa xaqiijiyey inay diideen dalabka Maraykanka, halka mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo Somaliland ay AP u xaqiijiyeen in aysan wax xiriir ah oo arrintan la xiriira lala yeelan.

Qorshaha Trump ee Gaza

Qorshaha Trump wuxuu dhigayaa in in ka badan laba milyan oo qof oo reer Gaza ah si rasmi ah looga raro halkaas, iyadoo Maraykanku uu la wareegayo maamulka dhulka, fulinayo hawlo ballaaran oo dib u dhis ah, kaddibna u horumarinayo sidii mashruuc ganacsi oo dhisme.

Falastiiniyiinta Gaza ayaa gebi ahaanba diiday qorshahan, iyagoo beeniyay sheegashada Israa’iil ee ah in barakacaasi noqon doono mid ikhtiyarai ah.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa uga digay in qasbidda ama cadaadiska lagu saaro Falastiiniyiinta inay ka guuraan guryahooda ay noqon karto dembi dagaal.

Si kastaba ha ahaatee, Aqalka Cad ayaa sheegay in Trump “ka go’an tahay aragtidiisa.”

Saraakiil Maraykan iyo Israa’iil ah, oo codsaday in aan magacyadooda la shaacin maadaama ay ka hadlayaan dadaallo diblomaasiyadeed oo qarsoodi ah, ayaa xaqiijiyay xiriirrada lala sameeyay Soomaaliya iyo Somaliland, halka Maraykanku sidoo kale xaqiijiyay inuu la hadlay Suudaan.

Waxay sheegeen inaysan caddayn heerka ay gaarsiisan yihiin wada-hadallada ama heerarka kala duwan ee ay ka socdaan.

Sida ay saraakiisha Maraykanku sheegeen, dadaalladan waxay bilaabmeen bishii hore, maalmo un kaddib markii Trump uu qorshihiisa Gaza la wadaagay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, iyadoo Israa’iil hoggaaminayso wada-hadallada.

Maamulka Somaliland

Somaliland, oo ay ku nool yihiin in ka badan 3 milyan oo qof, ayaa in ka badan 30 sano ka hor ka go’day Soomaaliya, hase yeeshee si caalami ah looma aqoonsan. Dowladda Soomaaliya ayaa weli u aragta inay Somaliland tahay qayb ka mid ah dhulkeeda.

Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa dadaal xooggan ugu jira inuu helo aqoonsi caalami ah.

Sarkaal Maraykan ah oo ka mid ah dadaalladan ayaa xaqiijiyay in Maraykanku “si hoose ugala wada-hadlayo Somaliland arrimo kala duwan oo ay ku caawin karto Maraykanka, iyada oo beddelkeeda la siinayo aqoonsi.”

Suurta-galnimada in Somaliland hesho aqoonsi Maraykan ah waxay noqon kartaa dhiirigelin sababi karta in madaxweynaha Somaliland uu dib uga fiirsado mowqifkiisa ku aaddan taageerada Falastiiniyiinta.

Imaaraadka Carabta, oo ah dal xubin ka ah heshiiskii Abraham Accord oo xiriir dhow la leh Israa’iil, ayaa horey uga lahaa saldhig milatari Somaliland, wuxuuna weli leeyahay dano ganacsi, oo ay ku jirto deked.

Goobta istiraatiijiga ah ee Somaliland – oo ku taalla marinka biyaha Gacanka Cadmeed, kana ag dhow Yemen oo ay ka dagaalamaan kooxda Xuutiyiinta – ayaa ka dhigi karta xulufo istiraatiiji ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.