Home Afsomali Mareykanka oo duqeyn ka fuliyeen G/Bari.

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyeen G/Bari.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeyn ay diyaaradahoodu ka geysteen buuralayda gobolka Bari ku dileen maleeshiyo ka tirsan kooxda Daacish, kuwaasi oo ku dhuumaaleysanayay Buuraleyda Cali-Miskaas ee gobolkaasi.

Qoraalka taliska Afrika ayaa lagu sheegay in duqeyntaan oo ka dhacday buuraha Caalmisgaad in lala eegtay godad ay ku dhuumanayeen hogaamiyaal iyo maleeshiyo Daacish ka tirsan, waxaana la sheegay in tiro badan oo ka tirsan maleeshiyaadka Daacish lagu dilay duqeynta.

Taliska Mareykanka ee Afrika, oo ay wehliyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamadda Xoogga dalka ee Soomaaliya, ayaa sii wadi doono tallaabooyinka hoos loogu dhigayo awoodda iyo khataraha Daacish-Soomaaliya ee qorsheyneysa fulinta weerarradda halista ku ah danaha Mareykanka, Ciidamadeeda iyo Shacabkeeda dibadda ku nool, ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Taliska Mareykanka ee AFRICOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.