Home Afsomali Magacyada wadamada ay Sacuudi Carabiya ka mamnuucday fiisaha 14 wadan oo ay...

Magacyada wadamada ay Sacuudi Carabiya ka mamnuucday fiisaha 14 wadan oo ay ku jiraan India, Pakistan, sababo la xiriira badqabka Xajka

Magacyada wadamada ay Sacuudi Carabiya ka mamnuucday fiisaha 14 wadan oo ay ku jiraan India, Pakistan, sababo la xiriira badqabka Xajka

Sacuudi Carabiya ayaa si ku meel gaar ah u hakisay bixinta fiisaha Cumrada, ganacsiga, iyo qoyska ee muwaadiniinta 14 waddan oo ay ku jirto Hindiya, taasoo dhaqan galaysa illaa bartamaha bisha Juun 2025, oo ku beegan dhammaadka xilliga xajka.  Go’aankan, ayaa sida wararku sheegayaan, looga golleeyahay in wax looga qabto ciriiriga iyo badqabka inta lagu guda jiro Xajka.  Maamulka Sacuudiga ayaa 13-ka April ee sanadka 2025-ka u qabtay maalinta ugu dambeysa ee bixinta fiisaha Cumrada, iyadoo aan la siinin fiisooyin cusub oo noocaan ah muwaadiniinta dalalka ay dhibaatadu saameysay ilaa inta laga soo gaba gabeynayo Xajka.

Liiska dhamaystiran ee 14 wadan ee ay saamaysay joojinta fiisaha, waxa ku jira: Algeria, Bangladesh, Egypt, Ethiopia, India, Indonesia, Iraq, Jordan, Morocco, Nigeria, Pakistan, Sudan, Tunisia, iyo Yemen.

Ku darista Hindiya ee mamnuucistan waxay la xiriirtaa dadaallada ay wadaan saraakiisha Sacuudiga si ay uga hortagaan ka qeybgalka aan la fasixin ee Xajka.  Wararka ayaa sheegaya in shaqsiyaad u dhashay Hindiya iyo dalal kale oo liiska ku jira ay Sacuudiga ku galeen Cumro ama fiisooyin ku tageen oo ay ka dhaafeen gudashada waajibaadka Xajka iyagoo aan isdiiwaangelinin.  Habkani waxa uu dhaafayaa nidaamka kootada boqortooyada, kaas oo dal kasta u qoondaynaya meelo gaar ah oo Xajka ah si loo xakameeyo tirada xujaajta.

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo, mas’uuliyiinta Sucuudigu waxay ku eedeeyeen ka qaybgalayaasha aan diiwaangashanayn ciriiriga iyo kulaylka daran ee dilay in ka badan 1,200 oo xujaaj ah intii lagu jiray Xajka 2024. Xujaajtan aan la ansixin inta badan ma helaan adeegyada aasaasiga ah sida hoyga, gaadiidka, iyo daryeelka caafimaadka, taas oo ka sii daraysa khataraha badbaadada iyo dhibaatooyinka saadka.  Saraakiisha ayaa ku doodaya in adkeynta sharciyada fiisaha ay lama huraan tahay si looga hortago soo noqoshada masiibooyinka nasiib darrada ah.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga, tallaabadani waa jawaab saadka si loo dammaanad qaado gudashada xajka oo ammaan ah oo si wanaagsan loo soo agaasimay, mana lahan wax xiriir ah oo diblomaasiyadeed.  Sida wararku sheegayaan, xujaajta diiwaangashan ayaa sii wadan kara qorshahooda maadaama fiisaha dublamaasiyadeed, ogolaanshiyaha degenaanshaha, iyo fiisaha xajka u gaarka ah aanay saamayn ku yeelan.  Dhanka kale, mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa ka digay in shaqsiyaadka gudanaya Xajka amar la’aan ama ka dheeraanta muddada loo fasaxay ay la kulmi karaan mamnuucid soo gal ah oo shan sano ah.  Wasaaraddu waxay carrabka ku dhufatay muhiimadda ay leedahay in si adag loogu hoggaansamo shuruucda iyo xeerarka rasmiga ah, iyadoo soo xiganaysa marar hore oo xujaydii aan diiwaangashanayn ay buux dhaafiyeen xarumaha, taasoo keentay khataro xagga badbaadada ah iyo burburka adeegga ee maalmaha xajka ugu sarreeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.