https://youtu.be/J9l4tpn097g?si=VVA_hLTPcL1OlCEq
Siyaasiyiinta beesha karanle, Dhaqanka 3&9, iyo Saraakiisha Ciidanka waa in ay si deg deg ah isugu yimaadaan Xaaladda la xariirta dhallinyaradii lagu Xasuuqay ee shirqoolka loogu dhigay degmada aadan yabaal wax la iska waydiiyo, waxna laga qabtaa sida ugu dhakhsiysha bdn.
Muddo aan laga helin faahfaahin waxaa geeri iyo nolol lagu la, yahay Askar badn oo u dhalatay beesha Murusade ma jirto dowlad iyo maamul ka haday Musiibadii ka dhacday aadan yabaal oo taariikhda noo gashay.
Sidoo kale Ma jirto wax aan ahayn isku duubni oo looga gudbi karo Xaaladda adag ee Ciidankeenu galeen, Gurmad walaalnimo ayaa loo baahan yahay wixii is riix riix siyaasadeed ah halkeeda ha taalo laakiin waa in tan loo midoobaa oo wiilashaas qaarkood la la yahay sidii lagu raadin lahaa lagu raadiyo inta aysan gacanta Cadowga u galin maadaama dhulku baaxad wayn yahay aysan kala aqoon jihada laga jiro.
Xog aan rasmi ahayn oo aan goor dhaweyd helanay waxa ay sheegeysaa in askar badan ay ku jiraan duurka u dhaxeeyo Degmadama aadan yabaal iyo Degamada Moqokori waana halka jid ee u furnaa Xaaladooda ayaaa liidata, qaarkood tabartii ayaa ka tagtay maadaama in ku dhow 8 saacadood dagaalamayeen, waxaa shaki ku jirin in wiilasheena ay u dagaalameen si naf hurnimo leh.
Waxaan soo jeedinayaa in lagu baxo wiilashaas oo la bad baadiyo, dhallinyarada xamar ku sugan isku yimaadaan guluf lagu soo samata bixin lahaa la qabto siyaasiyiintana la isugu yeero.
Raggii Askarta isku sawiray ee isku jooxaarinaayay markiii askarta mansab iyo magac Xasan shekh uga raadsanayeen horta ma tahriibeen?