Home Afsomali Dhageyso Camey haraadiga Golaha Iskaashiga maamul Goboleedyadda waxay ka soo horjeedaan Midnimada...

Dhageyso Camey haraadiga Golaha Iskaashiga maamul Goboleedyadda waxay ka soo horjeedaan Midnimada Soomaaliya

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa Golaha Iskaasgiga maamul goboleedyadda ku eedeeyay in aysan doonin in Soomaaliya ay noqoto mid ,islamarkaana ay si weyn uga soo horjeedaan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Camey ayaa sheegay in Golaha Iskaashiga ay u muuqdaan kuwo sii dhamanaya Maadaama ay ka baxeen xubno badan oo ka tirsan Maamulada sidda Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Waxaa uu ku tilmaamay in ay xubnaha soo haray ay yihiin kuwo haraadi ah oo waqtigooda uu dhamaan doono Maalmaha soo socda ,maadaama doorasho ay kusoo wajahan tahay maamulada qaarkooda.

Golaha Iskaashiga maamul Goboleedyadda ayaa wali shaqeeya, waxaana hadda Gudoomiye ka ah Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Golaha ayaa hadda waxa kusoo haray Saddex maamul oo kala ah Puntland, Galmudug iyo Jubbaland.

hoos ka dhageyso 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.