Home Afsomali Midowga Afrika oo ku Baaqay Dardargelinta Midnimada iyo Dhismaha Qaranka Soomaaliyeed!

Midowga Afrika oo ku Baaqay Dardargelinta Midnimada iyo Dhismaha Qaranka Soomaaliyeed!

Midowga Afrika oo ku Baaqay Dardargelinta Midnimada iyo Dhismaha Qaranka Soomaaliyeed!

Midowga Afrika ayaa si cod dheer ugu boorriyey Dowladda Federaalka Soomaaliya inay si degdeg ah u xoojiso wadashaqeynta ka dhaxaysa Dowladda Dhexe iyo dowlad-goboleedyada. Waa fursad dahabi ah oo lagu soo afjari karo ismariwaaga siyaasadeed ee Ragaadiyay horumarka dalka, si loo dhiso ciidan qaran oo xoog leh, oo ka adkaan kara caqabad kasta!

Dalalka Dariiska ah ee ciidamada nabad ilaalinta ka jooga Soomaaliya, waxay si buuxda u garab taagan yihiin dadaallada Soomaaliya. Waxay ku dhiirrigeliyeen Dowladda Federaalka inay si hagar la’aan ah u sii waddo dhismaha hay’adaha dowliga ah, iyadoo la hubinayo in dhammaan dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka ay si firfircoon uga qayb qaataan Golaha Wadatashiga Qaranka.

Waa waqti ay Soomaali isu timaado, cod mideysanna ku dhisto mustaqbalka ifaya! Midnimada, wadashaqaynta, iyo dhismaha hay’adaha adag waa jidka kaliya ee lagu gaari karo Soomaaliya xasiloon, horumarsan, oo leh ciidan qaran oo dhab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.