Home Afsomali Madaxweyne Deni “ma dadka leh Jubaland hala burburiyo baa wadajir ka shaqeynaya”

Madaxweyne Deni “ma dadka leh Jubaland hala burburiyo baa wadajir ka shaqeynaya”

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay shirkii NCC, go’aanka dowladda ee ka dhanka ah Jubaland iyo doorashooyinka soo socda.

Deni ayaa sheegay inuu ku saxsanaa go’aankii uu ku diiday ka qeyb galka shirka Golaha Wadatashiga Qaran, sida uu hadalka u dhigay.

“Shirka NCC waxaan ku diidnay waa aragtaan maanta” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Waxa uu sidoo kale saluug ka muujiyay qorshaha dowladda ay ku damacsan tahay iney maamul kale uga dhisto gobolka Gedo, kaasoo lagu bur burinayo midka Jubaland.

“ma dadka leh Jubaland ha la burburiyo baa wadajir ka shaqeynaya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.