Amarkan ayaa faraya Hey’addaha Qaranka inay qoraaladooda rasmiga ah lagu qoro luqadda Afkeena hooyo ee Soomaaliga, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uu qalinka ku duugay wareegto arintaasi ku saabsan, Ra’iisul Wasaaraha ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay mid lagu xoojinayo af-Soomaaliga oo muddooyinkii u dambeeyay ay weerar bahalnimo ah ku hayeen waxa loo yaqaano Af-Dilayaasha Caalamka, kuwaasi oo hoos u dhac xoog leh ku keenay afkeena hooyo.
Inta badan Wasaaraddaha Dowladda ayaa laga adeegsadaa luqado shisheeye, sida luqadda Ingiriiska oo inta badan qoraalada la isugu diro, Sannadkii 2015 ayay aheyd markii Madaxweynihii hore Xasan Sheekh uu soo saaray amar lagu farayo Hay’adaha Dowladda in qoraaladooda rasmiga ah lagu qoro Af-Soomaaliga, inkastoo aanu arrintaas wax badan ka dhaqan gelin.
Xeel dheerayaasha iyo af yaqaanka Soomaaliyeed ayaa rumeysan sababaha uu Af-Soomaaliga hoos ugu sii dhacayo inay tahay iyadoo Xafiisyada Dowladda aan laga adeegsan, taasna ay ugu wacan tahay xubnaha Dowladda u shaqeeya sida Wasiirada oo u badan dad qurba-joog ah oo hadba adeegsada luqadaha looga hadlo Dalalka ay dhalashooda heystaan.
Waa guul lagu naaloon karo, waana hore u socod loo baahnaa in lagu dhaqaaqo, arintaan qaaliga ah waxaa abaal looga hayaa oo Amaanteeda iyo Bogaadinteeda iska leh Ra’iisul wasaare Kheyre oo xil gaar ah iska saarey sidii loo daryeeli lahaa afkeena hooyo.
W/Q/Cabdulaahi Xasan Shiiqaalow
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0