Waxaa goordhaw la magacaabay Taliye kuxigeenka Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya iyo Maareeyaha Dekadda iyo garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Taliye kuxigeenka Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa loo magacaabay Cabdifitaax Ibraahim Sambriye (Shaaweeye) oo ahaa sargaal katirsanaa Ciidanka Nabad Sugida horeyna xilal kala duwan usoo qabtay.
Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale xilka ka qaaday Maareeyaha Dekadda Muqdisho iyo Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana xilalkaasi loo magacaabay masuuliyiin kale.
Sida aan Wararka ku helnay Maareeyaha Dekadda Muqdisho ayaa loo magacaabay Axmed Maxamed Maxamuud Washington, halka Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde loo magacaabay Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle) oo aad ugu dhaw Madaxweyne Farmaajo.
Xilalka cusub ee la magaacabay ayaa kusoo aadaya xili maanta sidoo kale Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya lagu magacaabay Taliyaasha ugu sareeya Ciidanka dowlada iyo Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow magacaabay Maareeyaha Dekeda iyo Air Por-ka Muqdisho iyo Taliye kuxigeenka Nabad Sugida Soomaliya.
Maareeyaha Dekeda Muqdisho ayaa waxaa loo magacaabay Axmed Washington, isagoo bedelaya maareeyihii hore ee mudada xilka hayay C/llaahi Cali Nuur.
Sidoo kale Maareeyaha Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa loo magacaabay Yuusuf Cabdi Cabdulle oo loo yaqaano Yuusuf Jaalle oo ahaa Madaxii Ololaha doorashada Madaxweyne Farmaajo.
Sidoo kale waxaa la magacaabay Taliye kuxigeenka NISA oo loo magacaabay C/fataax Shaaweeye oo horay uga mid ahaa Saraakiisha NISA.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0