Booliska waqooyiga India ayaa baaraya liiska carruur la la’yahay, si ay uga dhex helaan haybta gabar la rumaysan yahay inay daayeerro la noolayd.
Gabadha oo da’deedu u dhaxayso 8-10, waxaa dhowr todobaad ka hor laga helay kayn ku taalla Uttar Pradesh.
Dhakhaatiirtu waxay sheegeen inaysan hadli karin, oo ay sifooyinkii daayeerka leedahay.
Sarkaal sare oo booliska ka tirsan ayaa laanta afka Hindiga ee BBC u sheegay inay la cayaaraysay koox daayeerro ah, oo ay u dhaqmaysay sida ay u dhaqmaan, markii ay boolisku soo badbaadiyeen.
Gabadha yar ayaa waxaa seeraha duurjoogta ee Katarniaghat oo u dhow xudduudda Nepal ku arkay dad tuulo joog ah.
Suresh Yadav oo booliska ka tirsan wuxuu sheegay in daayeerradu ay askarta weerareen markii ay u yimaadeen inay gabadha kaxeeyaan.
Dhakhaatiirtu waxay sheegeen inay macaluulsanayd markii la keenay, oo ay lahayd timo iyo ciddiyo dhaadheer, dhaawacyana ay jirkeeda ku yaalleen.
Ma aqoonin sida loo hadlo, laakinse waxay u ciyaysay sida daayeerka, waxaana la keenay ayadoo afarta addin dhiganaysa.
Boolisku waxay iminka baadigoob ugu jiraan sidii loo heli lahaa waalidkii gabadhaas dhalay.
Xaaladdeeda ayaa la sheegayaa inay soo fiicnaanayso, waxaana la qorshaynayaa in lagu wareejiyo hay’adaha ka shaqeeya daryeelka carruurta iyo khubaro caafimaad si ay dunida ula qabsato.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0