Home Afsomali Soomaali Gaareysa ilaa Afar kun oo dhawaan lagu wado in laga musaafuriyo...

Soomaali Gaareysa ilaa Afar kun oo dhawaan lagu wado in laga musaafuriyo dalka mareykanka

Safiirka dalka soomaliya u joogo dalkaasi mareykanka ayaa shaaciyey in tarxiil loo diyaariyey tiro gaareysaa 4 kun oo somali ah kuwaas ooo siyaabo kala duwan u galay dalka mareykanka.

Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya magaalada Washington ee dalka Maraykanka Axmed Ciise Cawad ayaa shaaciyey tirada dadka Soomaalida ee dowlada Maraykanka u qorsheysan iney si qasab ah ugu celiso gudaha Somalia.

Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in sanadaha soo socda gudaha Somalia lagu celin doono Soomaali tiradoodu gaareyso illaa afar kun oo haatan ku nool dalka Maraykanka.

Waxaa uu intaa ku daray in Soomaalida sida qasabka loogu celinayo dalkooda ay u badan yihiin dad dembiyo ka galay wadankaas iyo qaar la diiday codsiyadooda magangalyo doonka ahaa oo dalkaas ku soo galay tahriibka ama sharci darada.

“Kuma jiraan dadka la celinayo kuwa heysta degenaanshaha dalkan Maraykanka (Green card)” ayuu yiri Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya magaalada Washington.

Waxaa uu intaa ku daray in bilaha dhow ee soo socda ay dowlada Maraykanku u qorsheysan tahay iney dalkooda dib ugu celiso qiyaastii 300 oo Soomaali ah, kuwaasoo uu xusay in haatan dowladu diyaarineyso habkii dalka Maraykanka looga ambabaxin lahaa.

Dowlada Marayakanka ayaa bilihii la soo dhaafay ka soo masaafurisay dalkaas Soomaali gaareysa 170 ruux oo rag u badan kuwaasoo laga soo dejiyey garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

dhawaan ayaa Muqdisho la gaarsiiyey laba jeer dad laga musaafuriyey dalka mareykanka waxaana madaxweynaha cusub sheegay in bulshada soomaaliyeed aanay istaahilin in ay ku noolaadaan dalka mareykanka nacaybka uu u qabo dareed

Soomaaliya ayaa ka mid ah 7 dal oo uu ku soo rogay xayiraadyo dheerad ah waxana jira in somalida ay kala kulmaan baaritaano dheeraad ah iyo caga jugleyn ,waxaana taa sii dheer in dhawaan uu sheegay in mudo lix bilood oo xiriir ah uu cirka ka duqeynayo gobolada koofureyd ee dalka Soomaaliya oo cidi u maqneyn ceelna u qodneyn

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.