Home Afsomali Full VIDEO Waa rafaadnay Gaadiidley hadaan nahay gaajo ayaa na dishay yaab

Full VIDEO Waa rafaadnay Gaadiidley hadaan nahay gaajo ayaa na dishay yaab

Gudiga Gaadiidleyda ee daabulka Muqdisho  ayaa sheegay in ay u afduuban yihiin shaqsiyaad dano gaar ah leh

Waxayna Muqdisho ka sameeyeen isu soo bax nabadeed oo ay arintaa kaga cabanayaan

Qaar ka mid ah milkiilayaasha gaadiidka waaweyn oo banaanbaxa ka qeygalay ayaa faahfaahin ka bixiyey dhibka ay ku qabaan in ay gaadiidkooda uga shaqeystaan gudaha dakada iyo cida ka danbeysa

Gudiga ayaa ugu danbeyntii soo saaray warsaxaafadeed iyo baaqyo kala duwan

madaxweynaha ayey ugu baaqeen in arintaa uu waxka qabto hadii kale ay dalka isaga tahriibayaan ka dib markii ay ku shaqeysan waayeen hantidooda iyo sidoo kale gaadiidkooda

Cabdulaahi Cali faarax “inta dalka lagu burburiyo sida hubka sharci darada ah qamria raashinka iyo dawada dhacday waxaa soo qaada waa iyaga “

Dowladii hore ayaa u sharciyeysay Gaadiid ay leeyihiin in ay kaligood shaqeystaan

Milkiilayaasha ayaa cabasho ka muujiyey qaabka Musuqmaasuq ee ay u shaqeeyaan oo gaadiidka qaarkii uu ku galo si madaxbaani ah halka inta kale aanba loo aqoonsaneyn in ay yihiin wax jira

Qaar ka mid ah gaadiidleyda ayaa si caro leh cod ku sheegay in ay dalka isaga tahriibayaan hadii cabashadooda wax laga qaban waayo .

Qaar ka mid ah dadkii hadlay ayaa sheegay in ay joogto dakada uga shaqeeyaan ilaa 17 gaari oo ay leeyihiin dad qaas ah waxaana dakada ka diiwaan gashay todobo kun oo gaadiid kala duwan ah kuwaas oo dkada xamuulka ka soo daabula

Mid ma kid ah Milkiilayaasha gaadiidka ayaa ku calaacalay in gaarigiisu gali Karin albaabka dakada sidaana ay shaqo la,aan ugu dhacday haatana uusan heysan xita bariga gaariga iyo taayarada wax uu ku iibsado carurtiisiina ay biil ka sugayaan

Maya yara cabashooyinka ka imanaya maamulada heyadaha dowlada bulshaduna waxay la mid Noqotay hashii laba midig dhaamiyey dhana uma fayooba.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.